Axad, September,08, 2019 (HOL)-Sargaal ka tirsanaa ciidamada booliiska AMISOM kana soo jeeda dalka Uganda ayaa shalay oo Sabti aheyd 07 September waxaa meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
newsinisdeEdward Bagonza oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Booliiska AMISOM ayaa meydkiisa laga helay gurigii uu degnaa, lamana oga wali sababta keentay geerida sargaalkan AMISOM katirsanaa.
Sargaal u hadlay booliiska AMISOM oo lagu magacaabo Grace Grace Turyagumanawe. ayaa xaqiijiyay geerida sargaalka katirsan AMISOM, mana faah faahin sababta keentay geerida sargaalkai.
Booliiska AMISOM ayaa wada baaritaano ku aadan waxa keenay geerida
sargaalkan katirsanaa ciidankooda, lamana oga wali in sargaalkan uu is
dilay iyo in si caadi ah u geeriyooday.
Saraakiil iyo ciidamo katirsan AMISOM ayaa marar badan meydadkooda
laga helay xeryo iyo goobo kale ay Muqdisho kaga sugnaayeen, qaar kamid
ah saraakiishaasi ayaana la sheegay in iyaga gacantooda isku dileen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]