3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo u anbabaxay dalka Itoobiya

 

Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay kula kulmaan kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga Afaraad ee Barnaamijka  deyn cafinta Soomaaliya (SMP4).

Kullankaan ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayaa wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay saddexdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeeran wada hadalka deyn cafinta wajiga afaraad, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdiggiisa waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha k uleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
 

 

 
 













Click here
9/8/2019 2:21 PM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii uu xafiiska yimid ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ,kaddib markii uu horrantii bishii Agoosto dib uu u celiyay dhalashada Mareykanka.

9/8/2019 1:54 PM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur-galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaalada Beydhabo.

9/8/2019 1:47 PM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa soo saaray Wareegto uu wiilkiisa Amiir Cabdicasiis ugu magacaabay Wasiirka cusub ee Tamarta, waana markii ugu horreysay ee Amiir ka tirsan qoyska xukuma Sacuudiga ee Al-Sacuud uu madax ka noqdo Wasaaradda Tamarta.

9/8/2019 1:34 PM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya oo markii ugu horreysay gaaray guusha tartanka is reebreebka koobka kubadda cagta adduunka ayaa gaaray magaalad Harare ee xarunta dalka Zimbabwe.

9/8/2019 12:29 PM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in laba qarax lala beegsaday ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.

9/8/2019 11:53 AM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL )– labada mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa maanta soo saaray heshiish ay gaadheen inay soo magacaabaan labadii xubnood ee guddida doorashooyinka uga qaybgali lahaa,isla markaana loo sii ambo qaadi lahaa qabsoomidda ddoorashooyinka isku sidkan ee golaha Wakiiladda iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland.

9/8/2019 9:01 AM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaradda Waxbarashada HIdaha iyo Tacliinta sare ee dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi uu horkacayo ayaa siweyn loogu dhaweeyay magaalada Beledweyne.

9/8/2019 7:46 AM EST
Axad, September, 08, 2019 ((HOL)-Saacadihii ugu danbeeyay magaalada Beledweyne waxaa ka soconayay kulamo iyo wadatasho ka dhan ah saraakiil ka socta qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo xalay soo gaaray magaalada Beledweyne.

9/8/2019 6:05 AM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Khilaaf xooggan ayaa ka taagan Qorshe ciidamo dhowr bil tababar uga socday Xerada ciidanka Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne loogu daabulayo Gobolka Gal-gaduud gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb.

9/8/2019 5:43 AM EST
Axad, September,08, 2019 (HOL)-Sargaal ka tirsanaa ciidamada booliiska AMISOM kana soo jeeda dalka Uganda ayaa shalay oo Sabti aheyd 07 September waxaa meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

9/8/2019 1:58 AM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)- Saraakiil ka socta taliska qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xalay soo gaaray magaalada Beledweyne, iyaga oo kulan la qaatay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

9/8/2019 1:37 AM EST
Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo waxaa shalay shir ku yeeshay Wafdi uu horkacyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, maamulka Koonfur Galbeed iyo wakiiladda beesha caalamka ka jooga Soomaaliya.