4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2019
Wasiir Jamaal'' Shirka Baydhabo waa mid loogu diyaar-garoobayo kulamada heerka caalami ee soo socda

 

Axad, September, 08, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo waxaa shalay shir ku yeeshay Wafdi uu horkacyo ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, maamulka Koonfur Galbeed iyo wakiiladda beesha caalamka ka jooga Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shirkan looga hadlay qoddobo waaweyn oo quseeya Arrimaha Nabad-galyada, Dhaqaalaha iyo waliba halka uu marayo qorshihii deyn cafinta oo bilihii ugu danbeeyayba dowladda siweyn ugu howlaneyd.

''Waxaa soo socda shirkii  Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ka dhacaya Muqdisho sidaa daraadeed shirkani wuxuu ahaa mid loogu diyaar-garoobayay shirkaa weyn ee nagu soo socda, is xog wareysi ayuu ahaa iyo wax yaabihii lala tagi lahaa kulanka'' ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Dhanka kale Wasiirka ayaa xaqiijiyay in sanadkan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qeybgali doono shirka Golaha guud ee Qarramada Midoobey oo labadii sano ee la soo dhaafay uu ka baaqday isaga oo yiri''  Waxaa sidoo kale nagu soo socda shirkii golaha guud ee Qarramada Midoobey oo uu madaxweynuhu taggi doono''

Madaxweynaha ayaa bartimihii sanadkan shaaciyay in uu ka laabtay dib-na u caliyay heysashada Basaboorka Mareykanka, kaa oo meesha ka saaraya in uu yahay muwaadin Mareykan ah, waana tan keentay ayaa la leeyahay in madaxweynuhu la mar oo is xigtay uga baaqdo ka qeybgalka shirka Golaha guud ee Qarramada Midoobey ee New York

Labadii shir ee la soo dhaafay ee ka dhacay Magaalada New York  ee kala qabsoomay 2017 iyo 2018 ayaa waxaa ka  qeyb-galay oo Madaxweyne Farmaajo Wakiil uga ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan  Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]