Dowladda Soomaaliya '' Mareykanka waxaan u aragnaa Isbaheysi adag iyo saaxiib weyn oo aan leenahay
Arbaco, September, 18, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa'iidada u leh labada dal.
Dowladda
Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan
isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo
hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha
cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington wuxuu hore usoo noqday
Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka
Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha
Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).
Marka
laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu
soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay'ado
caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex
ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda
London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta
Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale
Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.
Dowladda
Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono
waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah
ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada
faa'iideysan karaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]