4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daahfurtay Siyaasadda Daryeelka Bulshada


Talaado, September, 17, 2019 (HOL)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta daah-furtay Siyaasadda Daryeelka Arrimaha Bulshada. Marti deeq biyayaal iyo dowladdo kala duwan ka socotay ayaa qayb ka ahaa shirkaan. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa daah-furay shirka.

La-taliyaha sare ee siyaasadda Daryeelka Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,Fardowsa Cabdullaahi ayaa qeexday macnaha siyaasaddaan iyo waxa ay ku soo kor-dhinayso dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto dib-usoo celinta adeegyada dowliga ah.

"Siyaasadda Daryeelka Bulshada waxay ka taageeraysa bulshada inay helaan adeegyo bulsho oo ay ugu horreeyaan shaqo abuur, caafimaad la siiyo dadka nugul, waxbarashadooda la ka-faallo qaado.. siyaasadda Daryeelka bulshada waxaa kalo ay diiradda saaraysa sidii loo dhisi lahaa nidaamka dowladda." La-taliyaha sare ee Siyaasadda Daryeelka Bulshada, Fardowso Cabdullaahi ayaa sida sheegtay.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa arrintan ku tilmaamay guul weyn oo usoo hooyatay ummadda Soomaaliyeed iyadoo uu carrabaabay in arrintani sahlayso in dadka danyarta ah ay helaan daryeel caafimaad, mid waxbarasho iyo mid bulshadeedba.

Wakiillada Beesha caalamka iyo bangiga adduunka ee ka qaybgalay daarfurka Daryeelka Bulshada ayaa ballanqaaday inay gacan weyn ka geysan doonaan taba-galinta siyaasada sidii loo gaarsiin lahaa dalka.

Gabagabada, Ra'iisul wasaare ku-xigeenka ,Mahdi Guuleed ayaa si cad u sheegay in siyaasadaani ay qayb muhiim ah ka tahay daryeelidda bulshada Soomaaliyeed oo baahi weyn u qabay siyaasad iyo mabaadii'i lagu hago daryeeliddooda.

Mudane Guuleed, ayaa wasiirka wasaaradda,shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada uga mahad celiyay dedaalka ay geliyeen diyaarinta siyaasadda qaran ee daryeelka Bulshada.

Golaha wasiirrada ayaa bil ka hor meel mariyay siyaasadda Qaran ee Daryeelka Bulshada ee maanta la daah-furay waxa ayna qayb ka tahay siyaasaddo kale oo xukuumaddu meel marisay oo loogu adeegayo ummadda Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]