4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo la kulmay safiirka Ruushka ee Soomaaliya

 

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood.

Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay adkeyneyso xariirka qotada dheer ee kala dhexeeyay dowladda Ruushka.

Hoggaanka Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saarey soo nooleynta iyo adkeynta xariirka kala dhexeeyay wadamada caalamka, si ummadda Soomaaliyeed ay u soo ceshato sharafta iyo karaamada ay ku laheyd fagaaraha caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]