4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Taliyaha hay'adda Sirdoonka Angola oo booqasho ku yimid Muqdisho

 

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Taliyaha Sirdoonka dalka Angola  Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida agu shaaciyay barta Twitterka ee Hey’adda NISA ayaa  lagu sheegay in Taliyaha Sirdoonka dalka Angola oo ah dal ku yaalla  Koofurta Afrika ayaa soo gaaray Muqdishi.

Taliyaha Sirdoonka Angola Gen. José Luís Caetano ayaa la kulmay Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay ladagaalanka argagaxisada, sida lagu daabacay barta Twitterka ee NISA.

Intii uu Taliyaha Sirdoonka Angola ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada, iyadoo la xiray waddooyinka qaar, waxaana dad badan is weydiinayeen wafdiga yimid magaalada ee sidaan waddooyinka loogu xiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]