3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 17, 2019
Minnesota oo laga Taageeray Shirkii Hobyo Dhawaan ka dhacay

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota dagan ayaa kulan ku taageeray hishiiskii nabadeed ee magaaladda Hobyo dhawaan lagu soo gabgabeeyey, iyo madaxdii halkaa lagu doortay.

Xafladaan oo dhacay hotelka doubletree by hilton ee xaafadda Bloomington Minnesota, ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada Minnesota asimo haweenka iyo wakiilo matalaayey maamul goboleedada Soomaaliya oo idil.




Cabdi Xaashi oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Galmudug ee Minnesota oo shirka furay ayaa sheegay in ay ugu wayn tahay sababta kulankaan in aan ayidno wanaaga iyo nabadeeynta qodabadii lagu lagu hishiiyey ee shirka Hobyo ay ku gaareen beelaha walaalaha ah ee dageenadaa waxuuna ahaa shir taariikhi ah ,ilaahayna aan uga baryeeyno in uu noqdo mid lagu baraaro.


Suldaan Cismaan Koofi oo ka mida odayaasha iyo waxgaradka Minnesota ayaa sheegay inuu bogaadiyey shirkaas ,waxuuna suldaanku raaciyey in shirkaas hadii uu guulaysto ay la mid tahay iyadoo Soomaali oo dhan guulaysatay ,waxuuna suldaanku faray shanta beelood ee walaalaha ah eeshirku quseeyo ay tahay in ay taageeraan gudiga la doortay , waxuuna xusay gudoomiyaha cusub ee la doortay ee Prof C/qadir M Shirwac  iyo C/lahi C. Waheliye in ay yihiin dad wanaag badan laga filaayo,

Dhamaan dadkii kale kulankaanka hadlay ayaa ku nuuxnuux saday ma huraan inay tahay in xasilooni loo helo siyaasada maamulka galmudug loona baahan yahay xiligaan in la muujiyo isku tanaasul hogaanka maamulkuna si hufan loo dhiso, waxayna dadkii hadlay baaq ku aadan nadeeynta gobolka dhaxe u direen dowladda dhaxe Soomaaliya .

Xaladaan ayaa lagu soo bandhigay Suugaan lagu taageerayey waxii ka soo baxay shirkaa ku idlaaday dhawaan magaaladda Hobyo

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, MN













Click here
9/17/2019 9:44 PM EST
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka Ambassador Cali Shariif Axmed, kaddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo shalay ka dhacday Aqalka Cad ee Washington, DC.

9/17/2019 3:04 PM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)- Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta daah-furtay Siyaasadda Daryeelka Arrimaha Bulshada. Marti deeq biyayaal iyo dowladdo kala duwan ka socotay ayaa qayb ka ahaa shirkaan. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa daah-furay shirka.

9/17/2019 1:52 PM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood.

9/17/2019 12:32 PM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Taliyaha Sirdoonka dalka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

9/17/2019 11:59 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen saddexda Hay’adood ee u xilsaaran Arrimaha Dib-ueegista Dastuurka oo kala ah Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la Socodka Dib -uEegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BFS iyo Guddiga Madaxabannaan ee dib -u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka 15 – 17 Sebtember 2019, ayaa lagu qiimayay howlihii la soo qabtay iyo caqabadihii lala kulmay sanadka 2019.

9/17/2019 7:48 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-War murtiyeed ka kooban saddex bog ayaa laga soo saaray shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

9/17/2019 4:36 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

9/17/2019 4:11 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa uga digay madaxda sare ee dalka in ay sameystaan muddo korarsi marka uu dhamaado waqtiga loo idmaday in ay dalka hoggaamiyaan.

9/17/2019 2:21 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar & Balcad, halkaas oo ay ka dhaceen weeraro kala duwan.

9/17/2019 1:05 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray waddada xiriirisa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

9/17/2019 12:47 AM EST
Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.