4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya oo dalka Oman uga qeyb galay Kulan la xiriiray Horumarinta waxbarashada

 

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  magaalada Muscat ee dalka Oman kullan kula qaatay shirkado badan oo hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku taqasusay oo loogu tala galay in lagu hago nidaamka waxbarashada dalka.

Kullanka oo ay goobjoog ka ahaayeen mas'uuliyiin ka kala socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Simad, Jaamacadda Muqdisho  iyo Jaamacadda City ayaa looga hadlay hal-abuur dhanka teknoolajiyada ku  taqasusay oo loogu tala- galay in lagu hago nidaamka waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in shirkan muhiimad gaar  ah uu u leeyahay Horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada  XFS Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka Go,an taha in la helo waxbarasho tayo leh .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]