4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Madaxweynaha Puntland oo madaxda dowladda uga digay muddo kororsi

 

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa uga digay madaxda sare ee dalka in ay sameystaan muddo korarsi marka uu dhamaado waqtiga loo idmaday in ay dalka hoggaamiyaan.

newinside“Lama aqbali doono wax la yiraahdo muddo kororsi, maxaa yeelay dalkaan wuxuu ku jiraa geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo inu  hey’adihiisa caga dhigtaan, inta taas lagu jiro wada tashi iyi isku  tanaasul baa saldhig u ah”ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay illaa iyo hadda heshiis ku tahay in doorashooyinka dalka in xilligeeda dhacaan, isla markaana ay soo taxneyd illaa xilligii Mbaghathi, intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas u soo socday, balse aanan la aqbali doonin muddo kororsi.

“Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda  oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004  dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu  socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma  rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan in ay dhacaan, waxay dib u  celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto,  hada waxaa u qabsoomay afar sano kasta in la is doorto, kaasaa  rajeynayaa in aysan caqabad gelin, haddii tii la rabay la qaban waayo,  in kuwo xilligii hore la qaban jiray la sameeyo oo la dhaho maxaa noo  dan ah”ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul gobolleed oo uga diga madaxda dalka in ay waqtiga kale oo dheeraad ah ku darsadaan marka uu soo dhamaado mudo xileedka oo hadda ka harsan wax ka yar 16 bilood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]