4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2019
Dagaal khasaare sababay oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Talaado, September, 17, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo galinkii danbe ee shalay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray waddada xiriirisa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii xoogag ka tirsan Al-Shabaab sida la  sheegay ay wadada u galeen Kolonyo ka tirsan ciidamada Militeriga  Soomaaliya oo ku safrayay waddada u dhaxeysa degmooyinka jalalaqsi iyo  Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaan ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus labada dhinac isku weydaarsadeen hubka kala duwan oo ay ku jiraan Qoryaha waaweyn sida kuwa garabka laga gano ee [Baasuuke] oo ay adeegsanayeen dagaalyahannada Al-shabaab,

Wararku waxaa ay sheegayaan in dagaalku sababay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse ma jirto ilaa iyo hadda cid xaqiijisay tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Al-shabaab ayaa inta badan weerarro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM ee adeegsada jidadka isku xira degmooyinka ay dowladdu maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]