4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Mas'uuliyiin Qarax ku dhaawacmay oo Muqdisho la keenay

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho ayaa la keenay dhaaca mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha hoose oo ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo maalintii shalay ka dhacay duleedka degmada Shalaanbood ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in dadka dhaawac-yada soo gaaray ay ka mid ahaayeen Guddoomiye kuxigeenka degmada Qoryooley, Xoghayaha degmada mid ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo la-taliyeyaal sare.

Waxaa uu intaa ku daray in dhaawac-yada mas’uuliyiintan ay diyaarad gaar ah ka soo qaatay Shabeellaha Hoose, islamarkaana ay keentay magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad loogu daweeyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo qaarkood ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhaawacooda la keenay Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]