4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2019
Iran oo iska fogeysay eedeyn uga timid Mareykanka

 

Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Iran ayaa hadalka Mareykanka ku tilmaantay " wax kama jiraan" kaddib markii Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in Tehran ay ka dambeysay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lagu qaaday labo xarumood oo saliida laga soo saaro oo laga leeyahay Sacuudiga.

Mr Pompeo ayaa beeniyay sheegashada xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran oo ah inay fuliyeen weerarada.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa yiri "eedaynta Iiraan ma joojinayso musiibada" ka jirta Yemen.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in shaqo joojinta Sabtidii ay hakisay wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil maalinkii.

Waxaa aad isha looga hayaa suuqyada markay dib u furmaan maanta oo Isniin ah, iyadoo khubaradu ay filayaan in sare u kac uu ku yimaado qiimaha shidaalka.

Xigasho BBC