Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo maanta tagaya degmada Dhuusa-Mareeb
Isniin, September, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu
wadaa in maanta Isniin ah gaaraan degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.
newsinsdeSafarka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusa-mareeb ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaano
ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka,Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka
tirsan dowladda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaaro dhuusa-mareeb waxaa uu soo xiro
doonaa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday
halkaas,isla markaana looga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan
oo loo dhan yahay.
Sidoo kale inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Ergooyinka ka qeyb galayay Shirka,isagoo ka hadli
doona cabashooyinka ay qabaan iyo arrimo kale oo quseysa Galmudug.
Ammaanka Guud ee Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaana
amniga sugaya sugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]