4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Askar ku dhimatay qarax lala eegtay gaadiid uu la socday guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Khasaare geystay lala eegtay mas’uliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo marayay Agagaarka degaanka Shalanbood.

Gaadiidka la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ka md ah mas'uuliyiintii la soctay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali Aadan Najax oo la sheegay in uu weerarka ka badbaaday, hasse ahaatee waxaa lagu dilay oo ku dhintay ilaa saddex Askari oo ka mid ahaa ilaaladii la soctay.

Qaraxa ayaa ahaa miinadda nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu qabsaday  mid ka mid ah kolonyada  uu la socday gudoomiyaha gobolka Shabeellaha  Hoose.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii qarax sidan oo kale waddada lagu aasay lagu dilay mas'uuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka Hirshabeelle waddada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]