4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
BIIXI “heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa ”

 

Axad, September, 15, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in aanay waxba iska bedelin heshiishkii saldhiga Militeri ee Imaaraadku ka dhisanayey garoonka Berbera.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii shalay hadal kooban oo ku saabsan garoonka Berbera oo uu sheegay in loo bedelay garoon shicib loo fasirtay in gabi ahaanba laga noqday heshiishkii Imaaraadka ee ahaa inay saldhig militeri ka samaystaan garoonkan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in heshiishkii saldhiga aanay waxba iska bedelin, balse la isla gartay in garoonka shicib iyo militeriga la wadaagoo oo diyaradaha shicibku ku soo degi karaan.

“Garoon aan isleeyahay waa ka Afrika ugu weyn ayaa la dhisay, adduunkoo dhanna ciidamada iyo shicibku way wada isticmaalaan garoomada, markaa laga maarmi maayo in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan, markaa lagama maarmaan ayey noqotay in garoonkii loo isticmaalo shicib ahaan iyo diyaaradaha madaniga ah oo uu noqdo garoon caalamiya (International airport), heshiiskii aynu la galnay ee 25-ka sanno ahaana waa sidiisii, wax iskama bedelin ee sidiisii ayuu u yaalaa”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Sidaas waxa uu ka sheegay mar uu ka qaybgalayey qallinjabinta ardayda jaamacada Burco.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.