Cabdiraxmaan Baadiyoow'' Galmudug wey ka gudubtay marxaladii hore ee dib-u-heshiisiinta
Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi (Baaddiyoow), ayaa sheegay in uu gabogabo yahay kulankii dib u heshiisiinta ee Dhuusa-Mareeb.
Dr, C/raxmaan Baadiyow, ayaa sheegay in Galmudug ay ka gudubtay marxaladdii koowaad ee dib u heshiisiinta Beelaha isla markaana ay gabogabo tahay howshii loo idmaday Guddiga dib u heshiisiinta.
Guddoomiyaha ayaa baaq usoo jeediyay Guddiyadda ka danbeeyo ee qeybta
ka noqon doono dib u dhiska maamul Goboleedka Galmudug, isagoo sheegay
in ay muhiim tahay in la saxo dhaqanka isla markaana aasaas sax ah loo
dhigo maamulka Galmudug.
"Si sax ah in wax loo dhiso ayaan rabnaa sidaas ayaa ku dardaarmaynaa
iyadoo wixii qilaafaad ahna ee Beeluhu ay dareen ka qabaanna waa la
xallinayaa hadduu Alle yiraahdo, qeybta labaad ee shirka ayaana lagu
xallin doonaa" ayuu yiri Guddoomiye Baaddiyoow.
Shirka dib u heshiisiinta Beelada Galmudug ayaa lagu wadaa in lasoo
gaba-gabeeyo Berrito sida uu Jadwalku yahay, waxaana xigi doona weji
kale oo lagu turxaan bixin doona waxyaabaha ka haray wada hadallada
socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]