4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Shirka maalgashiga Puntland oo ka furmay Garoowe


Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Shirka maalgashiga  Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa ka qaybgalaya maalgashadayaal, iyada oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi iyo khayraadka ee gobolka.

Shirkan waa midkii u horreeyay ee noociisa ah ee ka furma Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiinta ugu sarreeya Puntland ayaa shirka ka qaybgalay.

Madaxweyne Deni, ayaa horey u sheegay shirkan inuu usoo jiidayo Puntland maalgashadayaal caalami ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]