4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Madaafiic khasare dhismasho sababtay oo lagu weerarray degmada Marka

 

Axad, September, 15, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya tiro madaafiic ah oo lagu weeraray magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose wax yar ka hor inta uusan halkaas ka soo ambabaxin Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo shalay safar ku tagay.

Dad ku sugan degmada ayaa sheegay madaafiicdan oo ay soo rideen Al-shabaab in  qaar ka mid ah ay ku habsadeen xaafado ku yaalla magaalada Marka, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicdan ayaa cabsi xooggan ku abuuray bulshada ku dhaqan degmada kuwaa oo tan iyo shalay ku howlanaa soo dhaweynta ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Qof Dumar ah ayaa la sheegay ku dhimatay duqeyntan, halka saddex ruux oo kalana ku dhaawacmeen sida ay sheegeen goob joogayal ku sugan magaalada  Marka.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa shalay booqasho saacado qaadatay ku tegay Magaalada Marka  halkaasoo uu kula hadlay shacab  boqolaal gaaraya, isagoo isla galabta  ku soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo labo toddobaad  ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]