4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Xildhibaanno sheegay in ilaaladoodii laga kaxeystay

 

Axad, September. 15, 2019 (HOL)-Xldhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gabi ahaanba laga qaaday Ilaaladii u gaarka aheyd taasoo sababtay sida ay hadalka u dhigeen in ay guraha ka soo bixin waayaan.

Senator Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa ku eedeysay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal  Odowaa Yuusuf Raage inuu uruursaday ilaalada xildibaanno ka tirsan labada  Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Nuura ayaa intaa ku dartay in iyada laga qaaday Saddex askari oo ka tirsan xoogga dalka, kuwaasoo ilaalo u ahaa, waxey-na sheegtay ineysan garaneyn sababta  ka danbeysa arintan.

Waxey kaloo intaa ku dartay  in sidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise,  Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan CabdiKaafi sidoo kale laga qaaday ilaaladodii, iyagoo aan loo sheegin sababteeda.

Madaxweyne Farmaajo ayeey ka codsatay inuu arintan wax ka qbato,  taliyaha xoogga dalka ayey tilmaamtay xiriiro dhowr ah oo ay la sameysay  inuusan ka jawaabin wicitaanadeeda.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in sidoo kale ciidamada ilaalada u  ahayd xildhibaanno caan ah lagu amray inay ku soo xeroodaan Villa  Baydhabo. Hase yeeshee ma jiro xildhibaan ama Senatar kale oo sheegay in  ilaaladiisii loogaga yeeray taliska ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]