4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2019
Dagaallo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, September,15, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay xaley qeybo ka mid ah gobolka ku dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalada intooda badan ka dhaceen deegaannada kala ah Awdheegle, Afgooye, Qoryooleey iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii xoogagga Ururka Al-shabaab weerarro qorsheysnaa ku qaadeen sldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanadaas.

Dagaallada qaarkood ayaa socday in ka badan saacad halka kuwa  qaarkood  ay ahaayeen kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq, balse aysan cadeyn  ma aysan cadeyn dadka deegaanka khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dagaalka ugu cuslaa ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana la sheegay in dagaalka intii uu socay ay gubteen Guryo ay deganaayeen Dad Shacab ah,isla markaana ay khasaaro ka dhasheen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya ee Gobolka  Shabeellaha Hoose ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen  weeraradii ay kusoo qaadeen Xubno ka tirsan Uruka Al-Shabaab,isla  markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee saakay naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xaaladu  tahay mid  degan, balse ciidamada dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay  ku baadi goobayaan dagaalamayaash ka tirsanaa Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]