4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Col Faarax Kooshin '' Xilka ayaan iska casilayaa haddii la diido in ciidanka gobolka Hiiraan ka howlgalaan halkii ay dowladda ugu talagashay

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Taliyaha Guutada Shanaad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaalyeed Col Faarax Cali Waasuge [Faarax Kooshin] ayaa si kulul uga hadlay khilaaf waayadii ugu danbeeyayba u dhaxeeyay odayaasha dhaqanka G Hiiraan iyo dowladda Soomaaliya.

Col Faarax Kooshin oo xerada Lama-Galaay ee magaalada Beledweyne kula hadlayay boqolaal dhalinyaro ah oo halkaa tababar loogu soo xiray ayaa sheegay in uu xilka iska casili doono haddii leys hortaago in ciidamada  tababarka loo soo xiray tagaan halkii ay dowladda ugu talagashay ee ah in ay howlgalaan oo ah gobolka Galguduud.

''Waxaan balan-qaadayaa in aan xilka iska casili doono haddii la diido ama leys hortaago in ciidamadan tagaan halkii ay dowladda u asteysay in ay ka howlgalaan'' ayuu yiri Col Faarax Kooshin oo dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay warkii Odayaasha dhaqanka ee ahaa in Ra'iisal wasaare Kheyre ku hanjabay in uu ka saari doono ciidamada ku sugan magaalada Beledweyne liiska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

''Waa war been abuur ah oo aan sal iyo raad laheyn, waana war siyaasadeed cid ka tirsan dowladda oo tiri mishaarka ayaa ciidanka ka jarayaa ma jirto Anniga ayaa taa idin cadeynaya '' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in dhalinyarada tababarka loo soo xiray loo diyaariyay in ay ka mid noqdaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana aheyn ciidan Qabiil, dowladda -na u diyaarisay wixii hub iyo agab ciidan ahaa ee loogu tala-galay.

''Waxaa laga sugayaan ciidanka tababarka loo soo xiray in ay Al-shabaab ka xoreeyaan deegaannada ay ka maamulaan gobollada dhexe. dowladdana waxey u diyaarisay hubkii iyo guud ahaanba agabkii ciidan oo ay u baahnaa-yeen in ay ku howlgalaan''

Hadalka Taliye Faarax Kooshin ayaa imanaya xili maanta magaalada Beledweyne ay ka baxeen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka socday qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaa oo qorshuhu in ay horay u sii qaadaan ciidamada maanta tababarka loo soo xiray kaddib markii uu xoogeystay khilaafka arintan ka dhashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]