Madaxweyne Biixi oo sheegay in saldhigii Militeri ee garoonka Berbera laga dhigay loo bedelay Madaar shacab
Sabti, September, 14, 2019 (HOL )– Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in garoonkii laga dhisayey saldhiga Imaaraadka loo bedelayo garoon shacab oo diyaaradaha xamuulka sidaa ka soo degaan, kaasi oo ka shaqo badnaanaya dekadda Berbera.\
Sidaas waxa uu ka sheegay saaka
markii uu soo gaadhay magaaladda Berbera, waxaanu ka sheekeeyey horumarka ka
jira gobolka Saaxil iyo sida caalamkii u danaynayo magaaladda.
“Garoonkii berbera ee imaaraadku
dhisayeen ciidankii waanu ka wareejinay oo wuxuu noqonaya garoon shicib,
todobaadkan waxa iminaya shirkadii dhisayey garoonkaasi weyn iyo taawarka,
wuxuu noqonaya garoonka ugu weyn Afrika Masar uun baa ka weyn, wuxuuna noqonaya
garoon weyn oo alaabta waaweyn ee xamuulka lagu dajin karo”ayuu yidhi
madaxweyne Biixi.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu
kormeeray mashaariic horumarineed ee laga wado gudaha dekedda weyn ee magaalada
Berbera, ceel biyo macaan leh oo laga hirgeliyey deegaanka Kal-gumarre ee
duleedka Koonfureed ee magaalada Berbera, isaga oo dhagax-dhigay mashaariic
isugu jira ceel-biyoodyo, dhismeyaal cusub oo loo dhisi doono Shaybaadhka qaranka
iyo haamo cusub oo ay yeelan doonaan keydka haamaha shidaalka ee magaalada
Berbera.
Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan
oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera, islamarkaana ay
wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera, ayaa ugu
horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera, waxana uu madaxweynuhu
indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee
DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay, waxana uu
warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan
Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.
Maareeyaha Haamaha keydka
shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Embasi oo ka hadlay dhagax-dhig uu
madaxweynuhu u sameeyey laba Haamood oo cusub oo kala ah Naafto iyo Baatrool,
kuwaas oo midkiiba qaadayo 10,000 (toban kun oo mitir Kuyuubik), ayaa hoosta ka
xarriiqay inay haamaha ka dhigeen kuwa isku filan, islamarkaan awood u leh inay
buuxiyaan baahida shidaal ee qaar kamid ah dalalka deriska, xaddiga haamahana
kor loo qaadayo.
Maareeyaha wakaaladda Biyaha
Berbera, Mudane Saleebaan Cabdiraxmaan Xuseen iyo wasiirka wasaaradda
horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka hadlay kormeerka
uu madaxweynuhu ku tegay Ceel-biyood biyo macaan leh oo laga hirgeliyey
deegaanka Kal-gumarre, ayaa si waafi ah uga warbixiyey dedaallada ay ugu jiraan
sidii ay magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan.
Madaxweynuhu waxa uu
dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan
dhinaca barri ee magaalada Berbera, isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan
biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera
ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen, maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid
kulul.
Madaxweynaha waxa uu maamulka degmada Berbera iyo odayaasha
reer Berbera-ba ku bogaadiyey sida ay xilka iskaga saaraan ilaalinta nabadda
iyo joogtaynta horumarka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarku
waxa uu ku yimaaddaa nabadda, intaynnu nabadda xoojinno ee khilaafaadka
yaraynno ayuu horumarkeennuna kordhayaa, meel la isku khilaafsan yahayna
horumar laguma gaadho, maamulka Berbera iyo odayaashiisaba waxan ku
bogaadinayaa inay nabadda aad u xoojiyeen beryahan dambe, waana tusaale
wanaagsan.”
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.