4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Ciidamadii qeybta 21aad oo isaga baxay magaalada Beledweyne

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Waxaa goor dhaw isaga baxay magaalada Beledweyne ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka socday qeybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada, kaddib khilaaf xoogga oo soo kala dhaxgalay odayaasha dhaqanka gobolka iyo dowladda federaalka.

Ciidamadan oo magaalada soo galay 07-bishan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf xooggan oo ka dhashay socdaalkooda la sheegay in uu salka ku hayay qorshe dowladda ay damacsaneyd in magaalada looga qaado ciidamo tababar uu uga socday magaalada Beledweyne oo la sheegay in la geynayo degmada Dhuusa-Mareen ee gobolka Galguduud.

Odayaasha dhaqanka gobolka HIiraan oo uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa ku gacanseyray qorshaha  dowladda, iyaga oo sheegay in aysan jirin sababa ciidamo laga qaaday magaalada Beledweyne uga howlgalaan gobolka Galguduud, xili qeybo badan oo ka mid ah gobolka Hiiraan gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Doodda arintan ku saabsan ayaa sababtay in Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ku war-galyo odayaasha in ciidamadan uu Liiska ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ka saari doono haddii aysan odayaashu ogolaanin in loo qaado gobolka Galguduud.

Odayaasha oo kulamo is xig xigay ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ku eedeeyay ra'iisal wasaaraha in uu si qaldan ugu takrifalayo awooda fulinta, iyaga oo ugu digay ra'iisal wasaaraha adeegsiga erayo sida ay hadalka u dhigeen sii kala fogeynaya bulshada waxna u dhimi kara jiritaanka dowladnimo.

Taliyaha qeybta 21aad ee hoggaaminayay ciidamadan G/ sare Cabdicasiis Qooje ayaa ka hor inta aysan ka bixin  ayaa hoygiisa ku booqday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo horay ugu baaqay in ciidamada laga saaro magaalada Beledweyne. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]