4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin qarax miino lagu dilay

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabele Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan, iyo Ciidamadii la socday, kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday inta u dhexeysa Waddada Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh dhexe.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi  Raajicuun. anigoo ku hadlaya afka golayaasha dowladda Hirshabelle iyo  kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii, guud  ahaan shacbiga Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle ay ka  geeriyoodeen Mas'uuliyiintaasi iyo Ciidamada geesiyaasha ee iyagana  shahiiday" ayuu yiri Madaxweyne Waare.

"Labada Mas'uul, Samafalaha, iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay  waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Hirshabeelle u horumari laheyd"  sidaasi waxaa yiri madaxweyne Waare.

Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Marxuumeenta Alle uga baryay  in uu naxariistii Jannatul fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii  ay ka tageenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]