4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Jaamacadda Jobkey iyo Jaamacadda Mahsa ee dalka Malaysia oo heshiis kala saxixday


Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Jaamacadda Jobkey ee ka dhisan Soomaaliya iyo Jaamacada Mahsa University oo ku taala dalka Maleysia ayaa heshiis iskaashi ku kala saxiixday magaalada Kuala-lampur ee caasimada dalkaas.

Heshiiskan waxaa kala saxiixday madaxda labada Jaamacadood oo kala ah Guddoomiyaha Jaamacada Jobkey C/casiis Caagane Cabdi-Samad oo maalmahan booqasho ku jooga dalkaas iyo dhigiisa Jaamacada Maha Prof. Ishak Abdu Razak.


Hesiiska labada Jaamacadood oo ah mid khuseeya dhinaca Waxbaraashada sare ee Masterka ayaa dhigaya in Jaamacada Mahsa ay Jaamacadda Jobkey ka bixiso takhasusyo la xiriira dhinaca Caafimaadka kuwaasoo ay ka mid yihiin Master of Public Health, Master of Hospital Management iyo kuwo kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad.

Qodobada heshiiska labada Jamacadood ayaa waxaa kaloo ka mid ah iney iska Iskaashadaan Cilmi baarista, isweydaarsiga ardeyda iyo Macalimiinta, wadaagida keydka iyo macluumaadka ay jaamacad kasta heysato, iney wadajir u qabtaan shirar cilmiyeed caalami ah oo ka dhici doona labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

”Heshiiskan waa fursad iyo hormar u soo hoyatay dhamaan bahda Waxbarashada iyo gaar ahaan bahda Jobkey oo runtii ii soo idmaday magaceyga, magaca guddiga sare Jaamacadda iyo magaca shirkadaha iyo Mu'asasooyinka hoos yimaada Jobkey inaan heshiiskaas iskaashiga ah la saxiixano Jaamacadda Mahsa ee dalka Malaysia, Waxaan rajeynaa in uu noqon doono mid mira dhal ah oo ay ka faaideysan doonaan dhamaan ardayda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Guddoomiye Caagane oo intaa ku daray in shahaadada ay bixin doonto Jaamacada Mahsa,  isagoo ardayda Soomaliyeed ugu baaqay iney ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah.

Guddoomiyaha Jaamacadda Mahsa ee dalka Maleysia Prof. Ishak Abdu Razak, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska iskaashi ee dhexmaray Jaamacadiisa iyo Jaamacada Jobkey ee dalka Somalia, wuxuuna ardayda Soomaaliyeed ee baranaya taqasusyada ay bixin doonaan u balan qaaday iney heli doonaan aqoon tayo sare leh iyo shahaado laga aqoonsan yahay caalamka.

”Jaamacadda Mahsa waxay xarun ka dhex furaneysaa Jaamacada Jobkey, waxaana heshiiskan iskaashi ee dhexmaray labada Jaamacadood uu sahlayaa in ardayda Soomaaliyeed ay dalka gudihiisa ka helaan aqoon ay u aadi jireen jaamacado ku yaala dalka dibediisa” ayuu intaa ku daray Gudoomiyaha Jaamacada Mahsa.

Jaamacada Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha waaweyn ee safka hore kaga jira sare u qaadida waxbarashada dalka ayaa mudooyinkan ku talaabsanaysay horumaro kala duwan, iyadoo dhowaan la dhagax dhigay Kambas baaxad weyn oo Jaamacadu ka dhisaneyso duleedka Muqdisho kaasoo si casri ah loo dhisayo, kana kooban qeybo kala gedisan oo ay ka mid yihiin fasalo ay markiiba wax ku baran karaan kumanaan arday, hoolal lagu shiro, xafiisyo, xarumo Cilmi baariseed, Maktabado iwm, iyadoo Jaamacadu ay xarumo iyo faracyo ku leedahay Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]