4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Sacuudiga: Warshadda ugu weyn caalamka ee saliida sifaysa oo la weerarray

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Weeraro ay fuliyeen diyaaradaha aan la wadin ayaa sababay dab ka kacay labo warshadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dowladda Sacuudiga ay maamusho ee Aramco.

Warshadda ugu weyn caalamka ee saliida sifaysa Abqiiq ayaa laga arkay muuqaal laga duubay goobta uu weerarka ka dhacay iyada oo gubaynaysa olol iyo qiiqna uu cirka isku shareeray.

Weerarka labaad ayaa isna lagu ekeeyey warshadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga. Dabkii ka kacay labada warshadood ba haatan waa la xakameeyey ayey ku waramaysaa warbaahinta dawladdu.

Degaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ee Iran ayaa weerarro kuwan oo kale ah hore loogu eedeeyey.

"Abaaro 7 subaxnimo ayaa waaxdada badbaadada ee Aramco bilowday in ay dab ka kacay laba wershadood oo ku kala yaal Abqiiq iyo Khurays bakhtiiso, waxaana dabkaasi huriyey weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen goobahaas" ayey tidhi wakaaladda wararka ee Sucuudigu.

Hase yeeshee warbaahinta Sucuudigu ilaa haatan may sheegin cidda weeraradan haatan dhacay ka dambaysa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]