4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Guddoomiye ku-xigeenkii gobolka Sh Dhexe, Wasiir hore saraakiil iyo ciidamo lagu dilay Qarax miino

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo goor dhow lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Mas’uuliyiin oo marayay duleedka degmada Balcad, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Kolonyada ay la socdeen mas’uuliyiintan ayaa ka yimid degmada Balcad, iyagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar, waxaa qaraxa miino lagula eegtay agagaarka deegaanka Gololey

Mas'uuliyiinta qaraxan ku geeriyootay ayaa lagu waramayaa in ay ka mid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan.

Qaraxa ayaa sidoo kale wararka soo baxaya sheegayaan in uu ku dhintay Xassan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo kordhayay qaraxyada miino ee lala eeganayay gaadiidka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]