4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Ra'iisal wasaare Kheyre oo maanta booqanaya degmada Marka


Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

Safarka Ra'iisal wasaaraha oo noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago degmada Marka ayaa qeyb ka ah socdaal maalmihii ugu danbeeyayba uu ku marayay deegaanada maamulka Koofur Galbeed, waxaana uu horay u booqday  magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee Gobolka Baay iyo Bakool.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa deegaannadii uu maray ee Koonfur Galbeed ka dhax-dhigay mashaariic horumarineed  oo isugu jiray Isbitaal, waddooyin, dhismayaal iyo garoomo kubadda cagta  lagu ciyaaro.

Waxaa lagu wadaa in uu magaalada Marka kula  kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka, waxaana magaalada  muddooyinkii u dambeeyay ka jiray is bedelo amni iyo mid is dhex gal ah,  kaddib markii heshiis lakala dhex dhigay maleeshiyaadkii ku  dagaalamayay magaalada.

Ammaanka magaalada Marka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana habeen ka hor duleedka magaalada ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga ee ka tirsan Guutada 14 October iyo Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]