4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Kenya oo xal aan aheyn Maxkamadda ICJ u raadineysa kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)-Dowladda Kenya oo ka faa'ideysaneysa dib u dhiggista kiiska dacwadda Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ayaa u muuqata in xiligan in ay ku howlan tahay raadinta in kiiskan lagu soo afjaro qaab aan aheyn Maxkamadda ICJ oo hadda gacanta ku heysa.

Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in ay raadin doonto in wadahadal lagu dhameeyo muranka Badda ka hor inta aan dib loo furin Maxkamada laba bil kaddib , islamarkaana ay socdaan dadaallo dhex dhexaadin ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dowladda  Kenya ay ku howlan tahay sidii loo heli lahaa meel ka baxsan Maxkamadda  si loo gaaro xal buuxa''  Waxaan doorbidnay in xalku noqdo mid wadahadal ku dhamaada''' ayeey tiri Monic Juma.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Laakiin dowladda Somaaliya aya si is daba joog ah uga biyo diiday dalabyo is xig xigay oo uga imanayay dhinaca dowladda Kenya oo dhamantood salka ku haya in laga tanaasulo maxkamada labada wadan ka wada hadlaan khilaafka arintan ku saabsan.

Kiiska ayaa lagu wadaa in dib loo furo 04 November ee sanadkan sida ay maxkamadu go'aamisay, madaama dib loo dhigay ilaa Labo bilood oo ka bilaabaneysa 04tii bisha September, iyadoo la tixgalinayo codsi horay uga soo baxay dowladda Kenya oo dalabtay in dhageysiga dacwadda dib loogu dhiggo. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]