4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2019
Iska horimaad kooban oo ciidamo ka wada tirsan dowladda saakay ku dhaxmaray degmada Dhuusa-Mareeb

 

Sabti, September, 14, 2019 (HOL)- Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dagaalameen meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha degmada.

Wariye jooga Dhuusa-Mareeb ayaa warbaahinta u sheegay in iska horimaadka saakay dhacay uu sababay dhaawaca hal askari oo ka tirsanaa dhinacyadii dagaalamay waxaana rasaasta ay is weydaarsanayeen labada dhinac laga maqlay qeybo ka mid ah degmada.

Goobta lagu dagaalamay markii danbe waxaa gaaray saraakiil iyo ciidamo kale oo isla dowladda ka tirsan, iyadoo xaaladu haddda deggan tahay.

Horay sidan oo kale Dhusa-Mareeb waxaa ugu dagaalamay ciidamo kala tirsan Booliska iyo Nabad-suggida  Soomaaliya, kuwaa  oo dhawaan halkaa la geeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]