4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo laga guddoomay nuqul ka mid ah warqadihii Aqoonsiga

 

Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Safiirka Cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacaawday dalka Mareykanka ayaa Warqadihiisa danjiranimo waxaa looga Guddoomay magaalada Washington ee dalka areykanka.

Cali Shariif Axmed  Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka waxaa 17-kii Bishii July ee Sanadkaan  Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxaana intaasi ka dib la diyaariyay bixitaankiisa.

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday Washington Amb.  Cali Shariif ayaa nuqul ka mid ah waraaqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay  Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka, waxaa ka guddoomay ku-xigeenka  Madaxa Protocol-ka Wasaaradda Mary-Kate Fisher.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]