9/15/2019
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka


 

Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda dalka Hungary ee Budapest.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii uu shirka socday waxay shirar-doceedyo kala duwan la yeesheen dalal iyo hay’ado caalami ah oo ay kala hadleen sidii loo sii horumarin lahaa isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena.

Kulankii ugu horreeyay ayay wasiirka iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda  Isgaarsiinta, Md. Cabdi Sheekh, waxay la yeesheen Xoghayaha Guud ee  Midowga Isgaarsiinta Caalamiga (ITU), Houlin Zhao iyo ku-xigeenkiisa  arrimaha Horumarinta, Ms. Doreen Bogdan-Martin, iyagoo ka wada hadlay  sidii loo qiimeyn lahaa waxyaabihii ka qabsoomay Qaraarka 160 ee u  gaarka ah taageerada Soomaaliya ee dhammaadkii sanadkii hore lagu  ansixiyay Shirweynaha ITU.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyay kaalintii ITU ay ka geysatay diyaarinta Siyaasadda & Istaraatiijiyada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Qaranka, Tababarkii ugu horreeyay ee ay ITU ku qabatay Soomaaliya 30 sano kadib, iyo qorshayaasha kale ee haatan ay ka wada shaqeynayaan Wasaaradda iyo ITU.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmay wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo teknolojiyada dalka Shiinaha, Mr. Zhaoxiong Chen, iyo wafdi uu hoggaaminayay, iyagoo kala hadlay sidii dalka Shiinuhu gacan uga geysan lahaa dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalkeena.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay iska kaashadaan horumarinta teknolojiyada, sida kaabayaasha isgaarsiinta ee ay dawladuhu maalgeliyaan, aqoonta teknolojiyada ee dhallinyaradeena iyada oo loo sii marayo Machadka Isgaarsiinta Qaranka, iyo sidii shirkadaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada labada dal ay u yeelan lahaayeen xiriir wada-shaqeyn oo ballaaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     
 
 










Click here
9/13/2019 3:35 PM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)- Wararka ka caawa ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeesan ay halkaasi dhaawac xoogan ugu geesteen Nabadoon caan ka ahaa gobolada Jubooyinka.

9/13/2019 1:17 PM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Safiirka Cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacaawday dalka Mareykanka ayaa Warqadihiisa danjiranimo waxaa looga Guddoomay Magalada Washington ee dalka mareykanka.

9/13/2019 9:53 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigi uu hogaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Gabiley ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota Banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka.

9/13/2019 6:14 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in hoggaanka Iran ay doonayaan inay la kulmaan, taasi oo sare u qaaday rajada ah inuu diyaarinayo kulan uu dhiggiisa Iran kula yeesho kulanka guud ee QM ee bishan.

9/13/2019 3:39 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in Maalinta Berrito oo Sabti ah in uu tago Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

9/13/2019 3:27 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)- Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan arday fara badan oo ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka.

9/13/2019 2:04 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Wararka dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

9/13/2019 1:54 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku timid magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

9/13/2019 1:45 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu ka laabatay heshiis ay horay ula gashay illaa shan shirkadood, kuwaasoo heshiis lagula galay hubinta iyo illaalinta badqabka gaadiidka.