3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Ku dhawaad 1000 Ardey ah oo u fariisatay Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir


Jimco, September, 13, 2019 (HOL)- Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday imtixaanka ogolaanshaha ama Qubuulka ee Jaamacadaas sanad dugsiyeedka 2018-2019 kaasoo ay u fariisteen sanadkan arday fara badan oo ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka.

“Si fursad loo siiyo ardayda ka imaneysa dalka dibediisa iyo gobolada dalka ee soo dalbanaya Jaamacada Banaadir, waxaa imtixaanka loo kala qaaday dhowr qeybood, qeybta koowaad ee maanta u fariisanaysa imtixaanka waa 824 arday oo isugu jira 371 gabdho iyo 453 wiil, qeyb labaad iyo qeybo kale ayaana xigi doona, todobaadyada soo socda” ayuu yiri Ing. Ismaaciil C/raxmaan Maxamed oo ah diiwaan haya Jaamacadda.

Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Tahliil Cabdi Afrax ayaa isna sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan ardayda faraha badan ee sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda, isagoo xusay in Jaamacadda Banaadir looga bartay waxbarasho tayo leh.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ayaa shirka jaraaid ka sheegay inuu ku faraxsan yahay soona dhoweynayo ardayda faraha badan ee u fariistay Imtixaanka ogolaanshaha ee Jaamacadda Banaadir.

“Waxaa farxad inoo ah maanta inaan bilowno Imtixaanka qubuulka ee Jaamacada Banaadir ee sanadka 2019-2020, waxaana u fariisanaya sanadkan arday fara badan, taasoo muujineysaa, khibrada sumcada, tixgelinta iyo karaamada ay Jaamacaddu ku leedahay bulshada” ayuu yiri Dr. Biday

Guddoomiyaha Mu’asasada Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) ayaa isna u mahad celiyey waalidiinta Soomaaliyeed ee caaruurtooda ku aaminay Jaamacada Benaadir, isagoo dhinaca kale daboolka ka qaaday in imtixaanka sanadkan lagu qabanayo Kambas cusub oo Jaamacada Benaadir ay ka iibsatay degmada Hodan.

“Ardayda sanadkan ku soo biireysa Jaamacadda Benaadir waxay nasiib u yeesheen iney imtixaanka ku galaan kambaska weyn ee dhowaan Jaamacadu iibsatay oo ku yaalla degmada Hodan, kaasoo loogu magacdaray Prof. Ibraahim Caddow ILAAHAY ha u naxariistee si aan ugu maamuusno maadaama uu ahaa Guddoomiyihii labaad ee soo maray Jaamacada Banaadir, waxaana leenahay ardayda ku soo dhowaada kambaskan cusub” ayuu intaas ku daray Dr. Bushkuleeti.

Senator Dr. Cusmaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo gebagebadii ka hadlay shirka jaraaid ayaa u hambalyeeyey ardayda cusub ee u fariisatay imtixaanka qubuulka Jaamacada Benaadir, wuxuuna xusay iney doorteen Jaamacad aqoonsi caalami ah heysata, isagoo kula dardaarmay iney dedaal badan muujiyaan si ay uga mira dhaliyaan safarka waxbarasho ee u bilowday.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku-xigeenada dhinacyada Waxbarashada iyo Maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar, Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo ka tirsan Aasaasayaasha Jaamacada Banaadir iyo xubno kale oo iyana ka hadlay shirkan jaraaid ayaa ka waramay dedaalka ay jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ardayda cusub.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr. Maxamed Yuusuf, Guddoomiye ku-xigeenada dhinacyada Waxbarashada iyo Maamulka ee Jaamacada Banaadir C/raxmaan Xasan Cumar iyo Eng. Khaliif Muuse, hormuudka arrimaha ardayda ee Jaamacada Raage Maxamed Shahiid iyo xubno kale oo dhamaantood ka waramay dedaalka ay jaamacaddu u gashay qabashada imtixaankan iyo soo dhoweynta ay ugu talo gashay ardayda cusub ee ku soo biireysa sanadkan.

Masuuliyiinta iyo macalimiin ka tirsan Jaamacada Banaadir ayaa kormeeray Imtixaanka, kuwaasoo ku soo wareegay fasalada lagu qaadayey iyagoo u kuur galay sida habsamida leh ee uu u socday, iyagoo ardayda tilmaamo iyo tusaalooyin ka siinayey nidaamka imtixaanka loo galayo.

Sanad walba xiligan oo kale ayaa Jaamacada Benaadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka waxaa ku soo biira arday fara badan oo soo dhameysatay waxbarashada dugsiyada sare ee dalka, kuwaasoo hamigoodu yahay iney helaan tacliin sare.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]     
 













Click here
9/13/2019 3:35 PM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)- Wararka ka caawa ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubeesan ay halkaasi dhaawac xoogan ugu geesteen Nabadoon caan ka ahaa gobolada Jubooyinka.

9/13/2019 1:17 PM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Safiirka Cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacaawday dalka Mareykanka ayaa Warqadihiisa danjiranimo waxaa looga Guddoomay Magalada Washington ee dalka mareykanka.

9/13/2019 9:59 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng. Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay guulo la taaban karo ka soo hoysay Shirweynaha Isgaarsiinta Adduunka ee ka socday caasimadda dalka Hungary ee Budapest.

9/13/2019 9:53 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi iyo weftigi uu hogaaminayey oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Gabiley ayaa maanta kormeer ku tegay mashaariicda dhulka lagu beerayo ee ka socota Banka weyn ee Wajaale, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan wasaaradda Horumarinta beeraha iyo ciidamada kala duwan ee qalabka.

9/13/2019 6:14 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in hoggaanka Iran ay doonayaan inay la kulmaan, taasi oo sare u qaaday rajada ah inuu diyaarinayo kulan uu dhiggiisa Iran kula yeesho kulanka guud ee QM ee bishan.

9/13/2019 3:39 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la filayaa in Maalinta Berrito oo Sabti ah in uu tago Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

9/13/2019 2:04 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Wararka dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

9/13/2019 1:54 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku timid magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

9/13/2019 1:45 AM EST
Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu ka laabatay heshiis ay horay ula gashay illaa shan shirkadood, kuwaasoo heshiis lagula galay hubinta iyo illaalinta badqabka gaadiidka.