4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2019
Dagaal culus oo ka dhacay dulleedka degmada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Jimco, September, 13, 2019 (HOL)-Wararka dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dad ku sugan degmada Marka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka Octooper weerar ku qaadeen deegaanka Jilib Marka, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro  dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay ilaa 5 ruux ayaa la sheegay in dagaalkaas duleedka  Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab ay ku  geerioyoodeen tira kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo u badan dhinacyada  dagaalamay.

Magaalada Marka ayaa lagu wadaa in uu gaaro ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]