Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday rag loo heystay qarax ka dhacay Muqdisho
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun ku ridday rag loo heystay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad rayid ku dhinteen.
Raggan oo lagu kala magacaabayay Sayid Cali Aadan Nuur, Xasan Cali
Barre iyo Muxudiin Maxamed Axmed ayaa lagu soo eedeeyay inay ka
dambeeyeen qarax ka dhacay 26 bishii November ee sanadkii hore Xaafada
Kaawo Godey ee degmada Wadajir.
Maxkamadda ayaa la horkeenay caddeymo kala duwan oo ku aadan gaariga
qaraxa waday ay dhigeen goob suuq aheyd, waxaana qaraxa ku dhintay illaa
10 ruux oo uu ku jiray askar ka tirsan ciidanka iyo hooyadiis.
Dhageysiga
Maxkamadda kaddib ayaa maanta waxay Maxkamadda dil toogasho ku xukuntay
Xasan Cali Barre, halka xabsi daa’in lagu xukumay Sayid Cali Aadan
Nuur.
Maxkamadda ayaa sii deysay Muxudiin Maxamed Axmed oo lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]