3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Baydhabo Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socota Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka


Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Ra’iiusul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabishan arrimaha bini’aadninimada, Mark Lowcock, kaaliyaha xoghaha guud ee qaramada midoobay ee taageerada dhismaha nabadda, Oscar Fernandez-Taranco iyo madaxweyne ku-xigeenka sare ee Bangiga adduunka, Mahmoud Mohieldin oo Baydhabo booqasho ku yimid.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre, Mark Lowcock, Oscar Fernandez-Taranco iyo Mahmoud Mohieldin oo ay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed, qaar kamid ah wasiirrada XFS iyo Koonfur Galbeed ayaa looga hadlay xaaladaha bini’aadninimo ee dalka, dhismaha nabadda, qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiinta uu kulanka la qaatay waxa uu warbixin ka siiyay horumarradii dowladdu ka gaartay arrimaha dib-u-heshiisiinta, xaaladda deegaannada Koonfur Gableed ee socdaalka uu ku tegay, waxa uuna la wadaagay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gargararka loo bedelo mashaariic horumarineed oo bulshada wax tar u leh, si loogu diyaar garoobo xalka waqtiga fog ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda federaalka ee dib-u-kabashada dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, xaaladda bini’aadninimo, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxa ayna sheegeen in hey’adaha qaramada midoobay iyo Bangiga adduunku ay Soomaaliya kala shaqeynayaan ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale ku dhiirri geliyay hay’adaha caalamiga ah in ay taageero deg deg ah iyo mashaariic horumarineed ay la gaaraan deegaannada laga xureeyo argagaxisada, si bulshadu ay uga soo kabsato dhibaatooyinka kasoo gaara ficillada iyo dhaqamada gurracan ee kooxaha nabad diidka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/12/2019 1:51 PM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee fadhigooda yahay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

9/12/2019 11:51 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Madax-weynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo maanta jeediyay khudbad soctay ku dhawaad 28 daqiiqo ayaa si adag u weeraray siyaasadda madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

9/12/2019 8:06 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun ku ridday rag loo heystay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho, kaasoo dad rayid ku dhinteen.

9/12/2019 8:05 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen shabakad carruurta ka ganacsan jirtay oo siddeed haween ah iyo saddex rag ka kooban.

9/12/2019 6:35 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartay odayaal dhaqameedyo ay dhowaan soo bandhigeen al-Shabaab. Kuwaasoo lagu sheegay inay ahaayeen odayaashii soo xulay Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

9/12/2019 3:45 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL )–Labadda ka mid ah masuuliyiinta shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews ayaa xabsiga loo taxaabay,kuwaas oo laba habeen oo isku xigtay la kala xidhay.

9/12/2019 2:51 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Khabiir u dhashay dalka Mareykanka ayaa soo saaray warbixin uu uga hadlayo tirada askarta AMISOM ee lagu dilay dagaallada Al-shabaab laga soo bilaabo sannadkii 2007dii.

9/12/2019 1:45 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal Talaadadii toddobaadka ka dhacday degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

9/12/2019 1:26 AM EST
Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Jigjiga waxaa maanta galinkii dambe ka da'ay roob aad u wayn, roobkan ayaa watay dabaylo waawayn iyo dhagaxaan baraf ah oo dhulka ka dhigay wada baraf.