4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Garbahaarey gobolka Gedo

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal Talaadadii toddobaadka ka dhacday degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Cumar Cabdi Qorax oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda guutada 10aad ayaa sheegay in Sideed ka tirsan dagaal yahannada Al-shabaab lagu dilay weerar ay ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Garbahaareey.

''Wuxuu ahaa dagaal qaatay ku dhawaad saacad, ciidamada wey iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday waxeyna dileen ilaa Sideed xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu sheegay in ay jiraan ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dhaawacmay weerarka, hasse ahaate ma uusan sheegin wax khasaare dhimasho ah oo soo gaaray ciidamada la soo weeraray.

02 bishan September ayeey aheyd markii sida oo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen inta u dhaxeysa gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose Sagaal ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]