4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2019
Roobab xoog leh ka da'ay magaalada Jigjiga ee xarunta u ah dowlad deegaanka Soomaalida

 

Khamiis, September, 12, 2019 (HOL)- Magaalada Jigjiga waxaa saacadihii ugu danbeeyay ka da'ayay roobab xoog leh, roobkan ayaa watay dabaylo waawayn iyo dhagaxaan baraf ah oo dhulka ka dhigay wada baraf.

Dadka ree Jigjiga ayaa halmar cabsi gashay, iyagoo dadkuna ay ashahaad isku dareen, wali lama soo sheegin khasaare nafeed oo roobkani gaystay.

Magaalada waxaa dhex mara tog aad u wayn, waxaana laga cabsi qabaa in toggaasi uu dhibaato gaysto maadaama togga dhinacyadiisa ay deggan yihiin dad danyar ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]