4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab


Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Kulan loogaga hadlayay sidii la isugu furi lahaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinkq Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qaar kamid ah xildhibaanada iyo golaha wasiirada Hirshabelle iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa hadlay  muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka  kala xiran ee go’doonka ugu jira  Al Shabaab.

“Soomaaliya oo hagaagta waa iyadoo guud ahaan ammaanka geeska afrika oo hagaaga.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda noo huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu  carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]