4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Madaxweyne Biixi oo biladdo gudoonsiiyey afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Militeriga Somaliland

 

Talaado, September, 10,  2019  (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada Militeriga Somaliland, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kuulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.

nwsinsideMunaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha katirsan ciidamada Militeriga oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayey, waxana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidanka Militeriga, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo.

Madaxweyne Biixi ayaa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha soo qalinjebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh, “Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay dibin-daabyo kasta oo ciidanka qaraka ka dhan ah, islamarkaana aanay cidina jebin Karin shuruucda iyo xeerarka gaarka u ah ciidamada, waxana uu yidhi, “Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale amar ku bixiyey in dhulka danta guud ah qaybo kamid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda, isaga oo islamaantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo.

Afarta sarkaal ee kasoo qalinjebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah, Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye, Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar iyo Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan, waxana ay in muddo ah u dhabar adaygayeen waxbarasho socotay muddo sannado ah oo ay dalkaas Itoobiya ku sugnaayeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.