3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Qalab caafimaad oo la gaarsiiyay isbitaalka Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Isbitaalka degmada Maxaas ayaa la gaarsiiyay qalab caafimaad oo casri ah oo ay ku deeqday hay'ad lagu magacaabo Alline Hospitals.

Hay'addan Aliine Hospitals ee qalabka ku deeqday ayaa ku wareejisay agabka caafimaad hay'adda lagu magacaabo East African  Development oo ugu danbeyntii soo gaarsiiyay qalabka isbitaalka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo daboola baahiya caafimaad ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Gobollada Dhexe ee dalka.

Dr Cabdullaahi Sabriye Guure oo ka howlgal Isbitaalka ayaa sheegay in qalabkan oo muhiim u ah Isbitaalka ay ku jiraan ilaa  Ilaa 6 xabo oo oxygen machine -s ah, Matoorro, Raajo, Coumpter -da lagu baro bukaanka, Sariirro iyo waliba Agab kale oo caafimaad, oo dhamaantood sida uu sheegay dhakhtar ku soo aaday waqti siweyn loogu baahnaa.

Sidoo kale waxaa ka mahad celiyay qalabkan caafimaad ee la soo gaarsiiyay Isbitaalka odayaasha iyo dadka Degmada oo sheegay in ay wax ka tari doonaan adeegyada caafimaad ee uu bixiyo isbitaalka.

Qalabka ayaa waxaa iska kaashaday sidii isbitaalka lagu soo gaarsiin lahaa dhalinyarrada kala ah Cabdi Cabdullaahi Macalin Ciid oo ah madaxa hay'adda East African Development, Axmed Isaaq Kadiye iyo Ali Tawaad Dhalin oo ku nool dhamaantood dalka Mareykanka.

Ciid oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in markii ay arkeen adeega baaxda leh ee  Isbitaalka uu u hayo bulshada deegaanka iyo dhulka miyiga ah ee ka fog garteen in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiyaan qalabka caafimaad oo wax badan fuddeyn doonna adeegyada uu bixiyo.

Isbitaalka Maxaas ayaa fuliya guud ahaanba marka la eego howlaha caafimaad oo ay u baahan yihiin bulshada ku dhaqan degmada iyo deegaannada ka fog, waxaana xusid mudan in adeegyada uu bixiyo isbitaalka uu ka mid yahay qaliinnada noocyadooda kala duwan haba ugu badnaadeen Burrooyinka ka soo baxa qeybaha kala duwan ee jirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]    

 

 

 













Click here
9/10/2019 12:34 PM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaamiyo oo ka baxay magaalada Beydhabo ee caasimada Kumeel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Xudur ee xarunta gobaka Bakool.

9/10/2019 11:21 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)- Kooxda kubadda cagta Soomaaliya ee taariikhda sameysay ayaa ka hartay isreebreebka koobka adduunka 2022, kaddib markii ay guul darro kala kulmeen xulka kubadda cagta Zimbabwe.

9/10/2019 11:12 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Kulan loogaga hadlayay sidii la isugu furi lahaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinkq Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne.

9/10/2019 10:09 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada Militeriga Somaliland, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kuulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey.

9/10/2019 10:04 AM EST
Talaado, September 10, 2019 (HOL)–Siyaasiga caanka ah ee Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa xalay magaaladda Hargeysa ku daahfurey buug uu ka qoray suugaantii abwaanka weyn ee Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays) oo uu ugu magacdaray Geedigii Cabdi Qays.

9/10/2019 8:40 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Y. Yamamoto, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed,iyagoo halkaasi ku yeeshay wadahadal dhinacyo badan taabanayay.

9/10/2019 5:08 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Maamulka sare ee Jamacadda Hiiraan University oo goor dhaw kula hadlay warbaahinta xarunta Jaamacadda ee magaalada Beledweyne ayaa beeniyay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

9/10/2019 2:56 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow lagu wadaa inuu gaaro magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

9/10/2019 2:21 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaala degmada Garbahaareey.

9/10/2019 1:59 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaa ka jirto abaar xooggan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duuniyada.

9/10/2019 1:48 AM EST
Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed ku diyaarineyaa ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaata sugida Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,kuwaas oo qaadanaya tababaro.