4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2019
Dagaal ka dhacay gobolka Gedo iyo rag ka tirsan Al-shabaab oo la dilay

 

Talaado, September, 10, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya  in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab uu ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaala degmada Garbahaareey.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ururka Al-shabaab ay weerareen saldhig ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal  Saac.

Ciidamada dowladda ayaa dagaalka ku dilay illaa labo dagaalame, halka ay ku furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu ahaa qoriga loo yaqaano Baasukaha garbaha laga rido.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, ayna ka war  hayeen markii hore dagaalka ay soo qaadayeen.

Ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Garbahaarey, iyagoo ku daba jira raadka kooxdii weerarka soo qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]