4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Dufcadii 11aad Oo Ka Kooban 606 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaaladda Hargeysa


Arbaco, October, 09,   2019 (HOL) – Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa maanta ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Martisharaf kale, oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kuwaas oo dhamaantoodba la qaatay farxada Ardayda qalinjabisay.

Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay maanta ayaa wax ka baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Project Planing and Management, Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu.

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, kaas oo balanqaaday in Jaamacada Admas qaybteeda Addis Ababa ay siisay deeq Waxbarasho 5 Arday ee ugu sareeya ee maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa waxbarasho bilaash ah oo shahaadada labaad ah (Master) .

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna munaasibadaasi khudbad ardayda u jeediyey ayaa ku booriyey in “Mudaneyaal iyo Marwooyin dhamaan, Ardayda Qalinjabinaysa, waxa maanta sharaf weyn inoo ah inaynu ka soo qaybgalno xafladdan ay ku qalinjabinayaan in ka badan 606 Arday oo wax ka bartay Jaamacada Admas, oo runtii wax weyn ku soo biirisay Qarankan.

Dhalinta iyo waayeelka qalinjabiyey iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, Illaahay waxaan idiinka rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Jaamacada Admas oo runtii ah jaamacadaha ugu mudan dalka oo muddo 15-ka sano ah wax weyn ku soo kordhiyey, waalidka iyo macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo aadbaan idiinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo khudbad u jeedinayey Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada Admas.

Sidoo kale waxa iyaguna intii munaasabadu socotay hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantoodba ardaydii maanta qalinjabisay madashaasi uga jeediyey hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah.

Munaaisbadan ay maanta ku qalijnabiyeen ardayda Jaamacada Admas oo ahayd mid cajiib ah oo intii ay socotay xafladda uu sii qurxiyey Roob Ardaydii iyo Waalidiintii damaashaadayey ay aad ugu diirsadeen.

Sidoo kale waxa xusid mudan in lix walaalo ah ay maanta ka qalinjabiyeen jaamacadda, Kulliyada HEALTH OFFICERS oo loo dhaariyey inay sirta bukaanka ilaaliyaan, Arday Qaxoonti ku ah Somaliland oo ardayda qalinjabinaysay ka mid ah iyoWaaxda Imigrationka iyo Dab-damiska oo bilado la siiyey, waxaanay arrimahani ka mid ahaayeen waxa ku cusub jaamacadaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland