4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2019
Kalfadhigga 6-aad ee Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya oo maanta furmaya

 

Arbaco, October, 09, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah uu daah furo Kalfdhiga 6-aad ee Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka labada Aqal  ayaa ka dhici doonta xarunta Jeneraal Kaahiye  ee Iskool  Buluusiya ee ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga,isla markaana uu ka jeediyo khudbad dhinacyado taabaneysa, sida uu qabo Dastuurka dalka.

Furitaanka Kal-fadhiga -aad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa maanta sidoo kale waxaa goobjoog ka noqon doona  Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo dhawaan  soo gaarey Muqdisho,sidoo kalena tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoona Ciidanka amniga Maanta lagu arkayo wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]