4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 8 , 2019
Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan ah $73 million oo dollar

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Dowlada Jarmalka ayaa ugu deeqday dowlada federaalka Soomaaliya 73-Milyan oo Dollar, lacagtan ayaana lagu taageeri doonaa ama qeyb ka noqoneysa gargaarka calaamiga ah ee Banni’daanimo iyo guud ahaan mashaariicda hormarineed ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya Amb Annett Gunther ayaa ka sheegtay gargaarka lacageed oo ay Soomaliya ku bixineyso dowladdeeda munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho Isniintii shalay loogu dabaal-dagayay maalintii Midowga Jarmalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, jarmalku wuxuu sare u qaadeyaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayeey tiri Gunther.

Dowladda Jarmalka ayaa ka mid ah dowladdaha sida dhaw u taageera Soomaaliya waxaana ay ka mid tahay wadamada dhinaca dhaqaalaha ka taageera Dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]