4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2019
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo sheegay in ay ku adkaaday ku sii dhax shaqeynta madaxtooyada Soomaaliya

 

Talaado, October, 08, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inta in muddo dheer kaddib ay ku adkaatay in guddigu sii dhax shaqeeyo xafiisyada ku dhax-yaala madaxtooyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku dartay in shaqaalaha guddiga oo aad u batay iyo Xisbiyada qaarkood oo ay ku adag tahay in ay gudaha u soo galaan madaxtooyada dardeed ay awoodi waayeen in wixii hadda ka danbeeya ku sii dhax shaqeeyaan madaxtooyada Soomaaliya.

‘’Guddiga dhul weyn oo ka baxsan madaxtooyada ayuu leeyahay, madaxda sare ee Qaranka , dowladdaha iyo hay’addaha danbeeya arrimaha Soomaaliya oo idil waxaa ka codsaneynaa in dhulkaa naloo dhiso si ay u awoodi karaan dadka danaha ka leh guddiga ee doonaya in ay kala hadlaan arrimaha doorashada in ay u yimaadaan’’ ayeey ku sheegtay shirkeeda jaraa’id Xaliimo Yareey.

Qaar ka mid ah madaxda Asxaabta Siyaasadeed ee dalka oo goob joog u ahaa shirka jaraa’id ayaa sheegay in soo dhaweynayaa dalabka guddiga doorashada ee ah in lagu shaqeeyo meel ka baxsan madaxtooyada Soomaaliya oo sida ay sheegeen marar badan oo hore ay kala kulmeen caqabado la xiriira in ay gudaha u galaan madaxtooyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]