4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Rabshado maanta ka dhacay suuqa Konel ee magaalada Diridhabe


Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Rabshado u dhaxeeya Kooxo dhalinyar ah oo ka kala tirsan Oromada iyo Axmaarada ayaa maanta ka dhacay suuqa Konel ee magaalada Diridhabe.

Rabshadahan ayay labada kooxood isu adeegsanayeen dhagaxaan iyadoo dhinaca Oromada lagu arkayay faasas, majirin wax khasaare nafeed ah oo labada dhinac soo kala gaaray marka laga reebo dhaawac fudud oo labada dhinacba soo gaaray.

Iyadoo ay maanta Axad ahayd isla markaana meheradaha suuqaas ku yaalla ay xidhnaayeen ayaa haddana dhawr meheradood albaabada loo xiray cabsi laga qabo in boob loogaysto meheradahaas.

Booliska gaarka ah ee Diridhabe oo goobta rabshadu ka socotay soo gaaray ayaysan jirin wax ay haba yaraatee ay qabteen, balse markii ay rabshadu sii xoogaysatay ayaa waxaa goobta degdeg usoo gaaray Booliska Fadaraalka iyo Ciidanka Qaranka oo si buuxda usugay amniga goobta ay rabshaduhu ka jireen.

Wakhti xaadirkan ayaa degganaansho laga dareemayaa goobtii ay maanta galinkii hore rabshadu ka jirtay, iyadoo magaalada inteeda kale aysan waxba ka ogayn rabshadahan maanta Konel ka jiray.

Rabshadan maanta ayaa kusoo hagaagaysa xilli Qowmiyada Oromadu ay dabaaldegyo waaweyn ku qabanayeen Addis Ababa taas oo ka cadhaysiisay Axmaarada, waxayna rabshadahani noqdeen kuwo kusoo noqnoqonaya magaalada Diridhabe siiba suuqa Konel iyo Qafiira.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]