4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 6 , 2019
Maxkamada Sare dalka oo markii ugu horreeysay loo gudbiyay dacwad ka dhan ah xukuumadda

 

Axad, October, 06, 2019 (HOL)-Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay maxkamada sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya

Shariif Sheekh Axmed  ayaa sheegay in dacwadan ay u gudbiyeen maxmakada sare tahay mid lagu ilaalinayo sharciga iyo kala danbeynta dalka isaga oo sheegay in ay ka filayaan in ay xukun Cadaallad ah qaadato.

“Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in dacwadan si gaar ah ugu socto laanta fulinta dowaldda [Xukuumadda] oo sida uu hadalka u dhigay ku xadgudubtay sharciga, isaga oo intaa ku daray in aysan cid sharciga ka sarreyn.

22-kii bishii hore ee September ayay aheyd markii la xayiray diyaarad uu raaci lahaa Sheekh Shariif xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo, waxaana arrintaas ka dhashay fal celino kala duwan, iyadoo shirar ay ku yeesheen Muqdisho xisbiyada siyaasadda kaga dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed.

Waa markii ugu horreeysay oo mid ka mid ah Xisbiyada dalka uu dacwad ka gudbiyo Xukuumadda Soomaaliya, lamana oga go'aanka sharci oo ay arintan ka qaadan doonto Maxkamada sare. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]