Axad, Octobar 06, 2019 (HOL )– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta kulan la yeeshay
ergadii nabadeynta gobolka Sanaag, kuwaas oo waanwaan ka dhex waday xukuumadda
iyo jabhadda Kornayl Caare.
Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in
askarta la socota uu dhamaantood wada cafiyey marka laga reebo Kornayl Caarre
oo uu xusay in isagu sarkaal sare yahay oo loo baahan yahay in sifihi sharciga
la mariyo.
Kulan uu madaxweynuhu la qaatay
ergadan, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loo soo af-meero arrinta ka
taagan deegaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir
loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, isaga oo madaxweynuhu danta
guud u aqbalay inuu cafiyo ciidamada ku sugan halkaas ee faraha la galay
falalka liddiga ku ah nabadgelyada, isla markaana la qarameeyo.
Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay
ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan
Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil
Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo
waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ayaa madaxweynaha la qaatay inuu
dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu
diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan
cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan, islamarkaana aan la baalmari karin
Dastuurka qaranka.
Maayarka magaalada Ceerigaabo,
Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur, guddoomiyaha gobolka Sanaag u qaabilsan xisbiga
mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Maxamed Xasan Jaamac Daadey, Boqor Maxamed
Boqor Axmed Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani oo kamid ah salaadiinta
waaweyn ee reer Somaliland oo kulanka hadallo ka jeediyey, ayaa si buuxda u
aqbalay go’aanka madaxweynaha, soona dhaweeyey cafiska uu u fidiyey ciidankaas,
iyaga oo sheegay inay si rasmi ah u qaateen go’aanka xukuumadda ee ah inaan
sharciga loo jebinin cid kasta oo aanu Dastuurku oggolayn cafiskeeda.
Madaxweyne Biixi ayaa guddida u sheegay inuu nabadda darteed
diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo
afmeerayo, waxana uu yidhi, “Hawsha inta xilka aan hayo ee madaxweynuhu
oggoshahay ee aan awooddeeda leeyahay waan qaadanayaa oo waan fulinayaa.”
Madaxweynuhu waxa uu madasha kaga
dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Siciid Caarre, isaga oo
xusay in Cafis loo fidiyo Caarre Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco,
maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin, “Ciidamadu waxa ay u
kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas
jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku
dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha
sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku
saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku
jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma
joogo,” ayuu yidhi
Suldaan Maxamed Suldaan
Cabdiqaadir, ayaa dhankiisa taageero ballaadhan u muujiyey in qaran ahaan la
isla qaato in wada-jir loosoo af-meero arrintaas, waxana uu tilmaamay inuu si
buuxda usoo dhaweynayo go’aanka uu madaxweynuhu ka qaatay arrinta gobolka
Sanaag iyo ciidamadii arintaas ku lug yeeshay ee madaxweynuhu cafiyay isagoo
suldaanku ku hambalyeeyay madaxweynaha talaabadaas, waxana uu yidhi, “Waannu
kula qaadannay natiijada go’aankeeda, waxana aannu ku dedaalaynaa sidaa aad
noogu go’aamisay inaannu ku dhammayno oo aannu kasoo qaadno arrin aan laga
noqon karaynin, Arrinta aad imika go’aamisay way noo caddahay, waanu kula
qaadanayna arrinkaas. arrinkaasina arrin dib looga noqdo ma ahee aan sidaas ku
hambalyeyno madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.”
Ugu dambayntii waxa uu
madaxweynuhu ergeda nabadaynta gobolka Sanaag ku ammaanay dhabar-adaygga iyo
samirka ay arrinta ku wajaheen iyo sida ay uga go’an tahay in nabad waarta laga
gaadho arrinta gobolka Sanaag, isaga oo ku adkeeyey in gacmaha la isu qabsado
sidii loo soo gebo-gebayn lahaa shaqaaqada soo noqnoqotay ee deegaannada
Ceel-Afweyn.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.